Hogaamiyaha maamul goboleedka Machakos oo ka hadlay mooshinka ka dhanka ah

Madaxa ismaamulka Machakos Alfred Mutua ayaa xisbiga WIPER ee uu hogaamiyo Kalonzo Musyoka ku eedeeyay in ay soo abaabuleen mooshinka isaga ka dhanka ah ee yaalla golaha wakiillada Machakos.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka hoose ee ismaamulkaasi ayaa ku doonaya mooshinkaasi in ay xilka uga qaadaan Mr Mutua, kadib markii ay eedeymo dhinaca maamul xumada ah u jeediyeen.

Hase ahaatee Alfred Mutua ayaa maanta sheegay in uusan mooshinkaasi ku noqon doonin handadaad isla markaana uu halkiisa kasii wadan doono howlihiisa.

Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday bartamaha maamul goboleedka Kitui oo uu maalintii 5-aad booqasho ku jooga ayuu Mr Mutua shaaciyay in uu hayo akhbaar ku saabsan in masuuliyiinta xisbiga WIPER ay lacago u balan qaadeen xubno ka tirsan golaha wakiillada Machakos, si ay uga soo hor jeestaan maamulka uu isaga madaxa ka yahay.

 

Dhanka kalena waxa uu ka dhawaajiyay in mudaneyaasha mooshinkaasi u ololeynaya ay ka dalbadeen in uu siiyo lacag dhan 5 million oo shilin, si ay mooshinkaas meesha uga saaraan.

Ugu dambeynna waxa uu Alfred Mutua iska fogeeyay dhaliilaha dhinaca musuqmaasuqa ah ee loo jeedinayo, isagoo sheegay in hannaanka uu mashaariicda horumarineed u wado yahay mid si waadix ah loo wada arki karo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *