Inta badan Kenyanka oo la sheegay in ay tageersan yihiin xiritaanka xeryaha qaxootiga ah ee dhadhaab

Inta badan muwaadiniinta Kenyanka ah ayaa la sheegay in ay taagersan yihiin go’anka ay dowlada dalka ku xireyso islamarkaana ay dib u celineyso qoxootiga kujira xeryaha aduunka ugu weyn oo ay Kenya marti galisay ee Dhadhaab.

Sidaas si lamid ah Kenyanka ayaa doonayaa in ciidamada militiriga ee kusugan gudaha dalka Soomaliya laga soo saaro islamarkaana ay ilaaliyaan shacabka dalka iyo guud ahaan wadanka.

Laba ra’yi aruun oo ay kala qaaden hay’adaha IPSOS iyo Hay’ada kale oo lagu magacaabo Twaweza ayaa looga gol lahaa in lagu ogaado dadweynaha wax ay ka qabaan xiritaanka  dhadhaab iyo ciidamada difaaca dalka ee nabad ilaalinta u jooga Soomaliya.

Cilmi barista IPSOS ayaa lagu sheegay in 69 dadka Kenyanka ay isku raacen in kusugan dhadhaab ay caqabad balaaran ku yihiin amniga dalka sidaas darteedna ay ku taagerayaan dowlada in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xiro, waxaana la sheegay in 82 boqolkiiba dadka taagersan ay yihiin kuwa kazoo jeedo bartamaha dalka.

Dhanka kale John Mugo oo katirsan hay’ada Twaweza ayaa xusay in 80% dadkii la wareystay ay doonayaan in si deg deg ah loo xiro xeryahaasi oo hoy u ahaa qaxootiga Soomaalida in ka badan 20 sano.

Dhanka kale ra’iy aruurin kale oo ay sameysay Ipsos ayaa lagu sheegay in Kenyanka boqolkiiba 70 ayaa doonayaa in ciidadama joogo Soomaliya halkaas laga soo saaro halka 53 boqolliibana ay ku faraxsan yihiin in ciidamada soomaliya jooga ay ilaaliyaan amniga xuduudaha gaar ahaan xadka Kenya ay la wadaagto Soomaliya.

Tan ayaa ku soo aadeysaa xilli shalay ay aheyd markii dowlada dalka ay muddo lix bilood ah ku kordhisay tilaabada ay ku xireyso xeryaha dhadhaab.

Ugu dambeyn cilmii baaristan ayaa lagu qeexay in intabadan kenyanka ayaa sheegay in dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ay yihiin kuwa xiriirka wanagsan laleh Xukuumadda Nairobi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *