Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo madax kale ka codsaday in ay taageeraan mowqifkiisa ku aadan gudoomiyaha midowga Africa

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha ka qeyb galaya shirka isbadalka cimilada aduunka ee ka socda Morocco in ay garab istaagaan dadaalka ay dowladda Kenya ku dooneyso in ay wasiiradda arrimaha dibadda Amina Mohamed ka dhigto gudoomiyaha xiga ee ururka Midowga Africa.

Kenyatta ayaa ka dhawaajiyay in AmiNA Mohamed Abdalla ay tahay qofka ugu wanaagsan eek u haboon xilkaasi, maadaama uu sheegay in ay khibrad fiican u leedahay la tacaalidda arrimaha guud ahaan caalamka.

Aqoonta amina Mohamed ayuu sidoo kale ku tilmaamay mid ku filan mideynta iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka xalka u baaahan ee ka jira dalalka ku bahoobay ururka midowga Africa ee magaciisa loo soo gaabiyo AU-da.

Madaxweyne Uhuru ayaa hadalkaan ka sheegay kulamo gaar gaar ah oo ka baxsan shirka 22-aad ee isbadalka Cimilada ee ay soo qaban qaabisay qaramada Midoobay.

Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa in dhawaaleba waday olole ay ugu xusul duubayaan sidii ay Amina Mohamed u badali lahayd haweeneyda hadda kasii dageysa xilkaas ee Dlamini-Zuma.

Jagadaan ayaa waxaa u hanqal taagaya musharaxiin dhowr ah oo ka kala socda waddamo ay ka mid yihiin Equatorial Guinea, Chad, Senegal and Botswana.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *