Wasaaradda wax barashada oo sheegtay in ay dib usoo celisay sharaftii Imtixaanka

Masuuliyiinta wasaaradda wax barashada ee dalka ayaa sheegay in dadaal badan kadib ay dib usoo celiyeen ixtiraamkii iyo sharaftii imtixaanaadka qaran ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sare.

Xog hayaha joogtada ah ee wasaaradda wax barashada Belio Kipsang ayaa shalay ku faanay in ay xaqiijiyeen hirgalinta daacadnimada imtixaankaasi.

Mr Kipsang ayaa ka dhawaajiyay in ardayda u fariisatay imtixaanka dugsiyada sare ee KCSE-da ay heli doonaan natiijooyin caddaalad ah oo ku saleysan qaababkii ay uga shaqeeyeen imtixaankaasi.

Sarkaalka 2-aad ee ugu sarreeya waaxda wax barashada ayaa sheegay in taasi ay ardayda u saamixi doonto in ay fursado siman u helaan wax barashada heerka sare ee ka dambeysa dugsiyada sare.

Kipsang oo ka hadlayay magaalada Busia ayaa xaqiijiyay in laga hor tagay isku day kasta oo lagu damacsanaa in wax is daba marin loogu sameeyo imtixaanaadki qaran ee sanadkaan 2016-ka.

Arrimahaan ayuu sheegay in ay u fududeeyeeen shuruucdii cusbeyd ee uu goor sii horeysay soo rogay wasiirka wax barashada dalka Dr Fred Matiangi.

Hadalka xog hayaha joogtada ah ee wasaaradda wax barashada ayaa kusoo aaday xili shalay 7 macalin oo loo heysto qishka imtixaanka ay kasoo hor muuqdeen maxkamad ku taalla magaalada Bungoma.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *