Dowladda oo amar ku bixisay in si qota dheer loo baaro fadeexadda Kilifi

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa laamaha dambi baarista ee dalka ku amray in ay si qota dheer u baaraan fadeexadda musuqmaasuqa ah ee laga soo tabiyay maamul goboleedka Kilifi ee gobolka xeebta.

Lacag dhan 1.8 billion oo shilin ayaa lagu soo waramay in laga lunsaday dhaqaalaha miisaaniyad sanadeedka loogu qoondeeyay maamulkaasi.

Mr Ruto ayaa ku amray guddiga anshaxa iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ee EACC, xafiiska agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda guud ee dalka Keriako Tobiko iyo ciidanka booliskaba in ay dardar galiyaan baaritaannada lagu sameynayo fadeexaddaasi.

Dhammaan ha’adahaasi ayuu madaxweyne ku xigeenka ka dalbaday in ay si dhaqso ah u aqoonsadaan una soo xiraan dadka lagu tuhunsanyahay in ay lacagaasi xadeen.

Isagoo ka hadlayay xafladda furitaanka xarunta tababarka caafimaadka ee Godoma ayuu William Ruto sheegay in dhammaan dadka lunsaday dhaqaalahaasi ay qaadi doonaan masuuliyadda.

Dhanka kalena Mr Ruto ayaa gaashanaka ku dhuftay eedeymaha dhinaca musuqmaasuqa ee ay hogaamiyeyaasha mucaaradka ay mar kale u jeediyeen laamaha kala duwan ee dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *