Faahfaahin kasoo baxeysa dhaawac loo geystay mid ka mid ah macalimiinta ku howlan imtixaanka KCSE

Askari ka tirsaan ciidamada booliska maamulka ee ka howl gala ismaamulka Siaya ayaa shalay si kama’ ah toogasho ugu dhaawacay mid ka mid ah macalimiinta ku howlan kormeerka imtixaanka qaran ee KCSE ee hadda ka socda guud ahaan dalka.

Mr Simon Ongiti, oo ku sugnaa Schoolka dhexe ee Kunya ayaa la toogtay isagoo ku guda jiray qeybinta warqadaha imtixaanka ay ardayda dugsiyada sare u fadhiyaan.

Askariga falkaas sida kama’a ah u geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Benson Ozeza.

Mr Ongiti oo ay xaaladiisa caafimaad wanaagsantahay ayaa lagu daweynayaa isbitaalka, sida ay dad goob joogeyaal ah sheegeen.

Agaasimaha guddiga adeega macalimiinta ee maamul goboleedka Siaya Samuel Marigat iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda wax barashada ayaa booliska ku eedeeyay in aysan taxadarin iyo in aysan bixinin macluumaad buuxa oo ku saabsan dhacdooyinka noocaasi ah.

Dhacdadaasi oo ay faahfaahin dheeri ah kasoo baxeyso ayaa timid xili galitaanka imtixaanka uu ka daahay ismaamulka Garissa kadib markii ay da’een roobab xoogan.

Sidoo kale isla shalay ayaa waxaa maxkamad kasoo hor muuqday 12 macalin oo loo heysto eedeymo ku saabsan qishka imtixaanka, in kastoo ay arrintaas beeniyeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *