Madaxa cadaalada oo wacad ku maray in u difaaci doono nidaamka dawladd wadaajinta

Madaxa cadaalada dalka David Maraga ayaa wacad ku maray in uu u istaagi doono islamarkaana u difaaci doono nidaamka dawladd wadaajinta iyo dawladd goboleedyada dalka.

Haddaladan ayuu madaxa cadaalada sheegay xili xaakin cusub loo magacaabaayay magaalada Kisumu waxana u madaxa cadaalada sheegay in u dastuurka dalka u hogaansami doono uuna difaaci doono wax walibo oo dastuurkaas ku qeexan.

Xakiin Daniel Musinga ayaa maalinta shalay ahayd loo magacaabay in u noqdo xaakinka magaalada Kisumu shaqadaas oo u horay u heyni jiray David Maraga oo hadda uun noqday xaakinka cusub ee maxkamadda dalka ugu sareeyso ee Supreme Courtka.

David Maraga ayaa xaakinkaas kula dardaarmay in u dardargaliyo sida lagu yareeyn lahaa tirada kiisaska ee maxkamadaas horyaalo.

Maxkamadaas ayaa la sheegay in ay horyaalan 453 kiisas kuwaas oo aan wali go’aan kama dambeys ah aan laga gaarin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *