60 qof oo ku dhintay tareen ku gadoomay dalka India

Ugu  yaraan 60  qof ayaa ku dhintay halka  in ka badan 150  qof oo kalena ay ku dhawacmeen  dhacdo  uu tareen ku gadoomay   waqooyiga gobolka Uttar Pradesh ee wadanka India.

Gobolkan ayaa ah gobolka ugu weyn dalka India.

Ciidamada booliska ayaa  sheegay in  xiliga uu tareenka gadoomayay uu marayay inta u dhexeysa   magaalooyinka  Patna  iyo Indore.

Shilkan oo dhacay  saaka oo axad ah  ayaa sida ay sheegeen  sarakiisha waaxda tareenada  dhaliyay in dad badan oo saarna  ay tareenka ka daataan.

Taliayaha guud  ee booliska  ee magaalada Kanpur oo ka tirsan gobolka  Uttar Pradesh Zaqi Ahmed, ayaa sheegay in tirada dhimashada ay hada 60 gaartay  halka  dadka dhaawacmayna ay 150 yihiin.

 Wasiirka marinka tareenada ee India  Suresh Prabhu ayaa bartiisa twitarka ku sheegay  in dowlada sida ugu daqsiyaha badan ay baaritaan ugu sameyn doonto  sababta keentay  in tareenkan uu marinkii loogu tala galay ka weecdo.

Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in talaabo sharciga waafaqsan la qaadayo hadii ay soo baxdo in masuuliad daro ay jirtay.

Marinka tareenka ee India  ayaa ah midka afaraad ee ugu weyn dunida waxaana maalin  kasta isticmaala  in ka badan 20 milyan oo ruux balse waxaa liito badqabka marinkan maadama sanad kasta kumaan qof ay ku nafwayaan shilalkan oo kale.

Bishii sedexaad ee sanadii la soo dhafay ee 2015-kii ayey ahayd  markii shil tareen oo ka dhacay gobolka Uttar Pradesh  ay ku nafwayeen 39  qof halka  150 kalena ay ku dhawacmeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *