Dowladda oo xaqiijisay in aan la iibin doonin dekedda Mombasa

Masuuliyiinta dowladda ayaa markii ugu horeysay si cad uga hadlay warar dhawaanahan la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in shaqsiyaad gaar ah ama shirkado si khaas ah loo leeyahay laga iibin doono dekedda weyn ee Mombasa.

Madaxweyne ku xigeebka dalka oo ku sugan gobolka xeebta ayaa  shalay meesha ka saaray cabsida weyn ee arrintaas kasoo food saartay shacabka, isagoo xaqiijiyay in uusan jirin wax qorshe ah oo lagu iibinayo dekeddaasi.

Dhammaan wararka ku saabsan iibinta dekedda Mombasa ayuu Ruto ku tilmaamay kuso aan sal iyo raad toona lahayn.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in dowladdu ay lacago balaayiin shilin ah ku bixisay sidii ay u ballaarin lahayd isla markaana horumar u gaarsiin lahayd howlaha dekeddaasi oo ah midda kaliya ee ugu weyn dalka.

Mr Ruto ayaa sheegay in isbuuca soo socda uu kulan la yeelan doono masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda, xeer ilaaliyaha guud ee dalka iyo madaxda ururka shaqaalaha dekedda, si ay xal ug gaaraan arrimaha saameeya howl wadeennada Dekedda Mombasa.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa soo af jaraya eedeymo loo jeedinayay xisbiga Jubilee oo ku saabsanaa in ay gacanta dowladda ka baxeyso dekeddaasi.

Dhawaaqaanna waxaa soo dhaweeyay saraakiisha ururka ay kubbahoobeen shaqaalaha dekedda oo ay ka mid yihiin gudoomiyahooda Mohamed Sheria iyo xog hayaha guud Secretary General Simon Sang.

Dekedda weyn ee Mombasa ayaa baseecooyinka kasoo daga qaarkood loo sii gudbiyaa qaar ka mid ah dalalka dariska ah ee aan lahayd badaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *