Hogaamiyeyaasha ODM oo si caro leh uga jawaabay musuqmaasuqa laga soo tabiyay Kilifi

Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha xisbiga mucaaradka ah ee ODM ee laga soo doortay gobolka xeebta ayaa dowladda uu hogaamiyo xisbiga Jubilee ku cambaareeyay hadsalladii ay kasoo saartay musuqmaasuqa laga soo tabiyay ismaamulka Kilifi.

Madaxa maamul goboleedkaasi Amason Kingi oo ka qeyb galay isu soo bax ka dhacay magaalada Kilifi ayaa sheegay in dwoladda ay ku khaldantahay in ay farta ku fiiqdo meelo kale xili sida uu sheegay uu musuqmaasuqa hareeyay hay’adaha xukuumadda.

Sidoo kale madaxa ismaamulka Mombasa Hassan Ali Joho oo goob jog ka ahaa isu soo baxaasi ayaa dhankiisa ugu baaqay shacabka in ay taageeraan xisbiga ODM.

Labada hogaamiye ayaa si wada jir ah u beeniyay in uu musuqmaasuq ka jiro Kilifi, waxaana ay dhaleeceyn dusha uga tureen madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.

Mr Ruto oo isagana arrintaasi ka jawaabayay ayaa sheegay in uusan wax waqti ah u heynin la xifaaltanka siyaasiyiintaasi.

Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka ayaa mudooyinkaan sare u qaaday hadallada iska soo hor jeeda, iyadoo uu dalka kusii siqayo doorashada guud ee sanadka 2017-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *