Mali oo ay ka dhaceyso doorasho waqti dheer dib u dhaceysay

Waddanka Mali ayaa waxaa ka dhaceysa doorashada guud oo marar badan dib uga dhacday waqtigii loogu tala galay in ay qabsoonto, iyadoo amaankana si weyn loo adkeeyay.

Wararka ka imaanaya dalkaas ayaa sheegaya in qalalaase ka socda goobaha doorashada qaarkood lagu gubay sabduuqyadii loogu tala galay in ay dadka codadkooda ku dhiibtaan.

Dhanka kalena waxaa lasoo tabiyay in la afduubtay mid ka mid ah siyaasiyiinta musharaxiinta ah ee ka qeyb galaya doorashadaasi oo lagu waday in ay dhacdo 2 sano ka hor.

Waa markii ugu horeysay ee ay Mali ka dhacdo doorasho, tan iyo markii sanadkii 2013-ki qeybo ka mid ah waqooyiga dalkaas laga saaray xoogaga daacadda u ah ururka Al Qaacida ee galbeedka Africa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *