Obama iyo Putin oo ka wada hadlay xaaladda Syria

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo dhigiisa waddanka Ruushka Vladamir Putin ayaa si kooban uga wada hadlay xaaladda dalalka Syria iyo Ukraine ee ay ka jiraan colaadaha ay labadooda wadanka ku lug leeyihiin.

Obama iyo Putin ayaa arrimahaasi shalay axaddii ka wada hadlayay qiyaastii 4 daqiiqadood, xili ay waqti gaaban ka heleen shirka APEC ee ay ka wada qeyb galayeen.

Shirka ay ka qeyb galeen Hogaamiyeyaashaan ayaa ka furmay magaalada Lima ee caasimadda u ah waddanka Peru.

Kulankaasi ayaa loo arkaa in uu yahay kii ugu dmabeeyay ee ay labada madaxweyne si shaqsi shaqsi ah u yeeshaan, ka hor inta uusan madaxweyne Obama xafiiska baneynin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *