Safiirkii Serbia u fadhiyay Kenya oo ku geeriyooday Nairobi

Danjirihii waddanka Serbia u fadhiyay dalka Ambassador KenyaIvan Zivkovic ayaa maqribnimadii xalay ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan ee magaalada tan Nairobi.

Diplomaasigaasi oo ay da’diisa ahayd 690 sano jir ayaa dhintay xili lagu daaweynayay isbitaalkaasi.

Taliyaha ciidamada dambi baarista CID-da ee Nairobi Ireri Kamwende ayaa sheegay in ay soo gaareen warar sheegayay in safiirka uu soo wajahay xanuun dhnka wadnaha ah, xili uu ku sugnaa hoygiisa xaafadda Gigiri ee isla magaalada tan Nairobi.

Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sidoo kale laga soo xugtay in Mr Zivkovic uu in muddo ahna la dhibaatoonayay xanuunkaasi.

Serbia oo ku taalla qaaradda Europe ayaa ka mid ah boqorotooyooyin midoobay oo la magac baxay Yugoslavia sanadkii 1929-ki.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *