Xisaabiyaha qaranka oo sheegay in malaayiin lacag ah laga lunsaday ismaamullada gobolka xeebta

War bixin cusub oo shalay Isniintii uu soo saaray xisaabiyahaa guud ee Qaranka Edward Ouko ayaa lagu sheegay in lacago malaayiin shilin ah si sharci darro ah loogu isticmaalay qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka dhisan gobolka xeebta ee dalka.

Mr Ouko iyo kooxdiisa ayaa warbixintaasi ku qeexay in dhaqaalahaas lagu qarash gareeyay arrimo ay ka mid yihiin bixinta mushaaraad la siiyay dad aan shaqaale ahayn, fulinta mashaariic sharci darro ah iyo qalabyo si khaldan loo soo iibiyay.

Eedeymaha ku lug lahaanshaha musuqnaasuqa ayaa hadda u muuqda kuwo u weecday dhinaca maanul goboleedyada, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay dowladda dhexe si weyn loogu dhaleeceynayay in ay hay’adeheeda wax is daba marin sameeyaan.

Macluumaadka cusub ee uu saeeyay xafiiska xisaabiyaha guud ayaa lagu soo bandhigay boga Internerka ay ku leedahay waaxdaasi oo ku howlan la xisaabtanka maamullada guud ahaan dalka.

War bixintaan ugu dambeysay oo soo jiidatay indhaha shacabka ayaa kusoo aaday waqti ay taagantahay fadeexad musuqnaasuq oo laga soo tabiyay ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta.

Masuuliyiinta maamul goboleedkaasi oo uu kor kacayo gudoomiyahooda Amason Kingi ayaa si adag uga jawaabay hadallo ay madaxda dowladda dhexe ka yiraahdeen sida loo wajahayo baaritaannada fadeexadda soo baxday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *