Baarlamaanka Netherlands oo ka dooday niqaabka dumarka muslimiinta ah

Xildhibaannada aqalka baarlamaanka ee dalka Netherland ayaa shalay oo arbaca ahayd dood ka yeeshay soo jeedin ku saabsan in dumarka Muslimiinta ah eek u nool waddankaas laga mamnuuco isticmaalka niqaabka lagu qariyo wajiga.

Qaar ka mid ah haweenka dalkaasi ayaa isticmaala Niqabka ama Indha-shareerka oo ka mid ah astaamaha , qeybna ka ah labiska muslimiinta.

Baarlamaanka ayaa loo gudbiyay in ay go’aan ka gaaraan mooshinka ka dhanka ah niqaabka oo la doonayo in dumarka laga hor istaago in ay ku xirtaan goobaha ay ka mid yihiin Schoollada, isbitaallada iyo gadiidka dadweynaha.

Kaliya dhowr boqol oo haweenka muslimiinta ah ayaa gudaha waddanka Netherlands ku xirta niqaabka, kuwaasoo hadda ka dhur sugaya go’aanka kasoo baxa baarlamaanka.

Dowladda Netherland ayaa u muuqata mid ku dayaneysa dalalka Belgium iyo France oo horay wadamadooda uga mamnuucay isticmaalka niqaabka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *