Booliska oo baaraya dhacdo ku saabsan rasaas xalay lagu faras magaalaha Nairobi

Ciidamada amaanka ayaa sheegay in ay baarayaan warar soo baxay oo sheegaya in koox hubeysan ay xalay rasaas ku furtay agagaarka suuqa laga dukaameysto ee Tuskys laantiisa ku taalla wadada Tom Mboya Street ee magaalada tan Nairobi.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah oo shaaciyay akhaaraadka la xiriira dhacdadaan ayaa iyagoo soo xigabnayay dad goob joogetyaal ah waxa ay sheegeen in dableyda ay gudaha u gashay suuqaasi ayna 2 xabadood oo rasaas ah kor u rideen.

Falkaasi ayaa lagu soo waramay in uu argagax galiyay dadkii xiligaas ka dukaameysanayay suuqaasi oo ka mid ah kuwa ugu badan ee ay dadka ka adeegtaan.

Ma jirto cid ay waxyeello dhaawac ama dhimasho ah ay kasoo gaartay rasaastaasi oo kooxdii ridayna ay u suurta gashay in ay goobta ka baxsadaan.

Wali si rasmi ah looma oga tirada ay kooxdaasi hubeysan ahaayeen iyo sababta ay rasaasta ugu fureen suuqa, hase ahaatee, saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay arrintaan baarayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *