Golaha wasiiradda oo maanta billaabaya shir ay xaalado kala duwan uga arrinsanayaan

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in uu shir gudoomiyo kulan 2 maalmood qaadanaya oo ay yeelanayaan golaha wasiirrada ee xukuumadda.

Shirkaan oo arrimo badan looga hadli doono ayaa lagu wadaa in uu maanta oo khamiis ah ka furmo hotelka Sagana ee maamul goboleedka Nyeri.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto iyo wasiirrada dowladda ayaa kulankaas uga hadli doona sidii sare loogu qaadi lahaa mashaariicda xisbiga talada haya ee Jubilee, ka hor inta aan la gaarin waqtiga doorashada guud ee dalka.

Sidoo kale shirkaan ayaa lagu eegi doonaa qiimeynta wax qabadka ay hayaan wasiirrada iyo xog hayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha kala duwan.

Waa markii 3-aad oo ay xukuumadda sameyso shir noocaan ah oo ku saabsan howlaha dowladda tan iyo markii madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Ruto lagusoo doortay doorashadii dhacday bishii March ee sanadkii 2013-ki.

Kulankii 1-aad waxa uu bishii March ee sanadkii 2014-ki ka dhacay Nairobi, kii labaadna waxa uu bishii April ee sanadkaan ka dhacay magaalada Naivasha.

Tallaabadaan ayaa hadda kusoo aadeysa xili xisbiga Jubilee uu la kulmayo eedeymo badan oo dhinaca musuqmaasuqa iyo wax qabadka ah oo uga imaanaya garabyada mucaaradka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *