Raila Odinga oo eedeymaha musuqmaasuqa ka difaacay Amason Kingi

Hogaamiyaha isbahaysiga mucaardka ah ee CORD Raila Odinga ayaa si weyn uga soo hor jeestay eedeymaha musuqmaasuqa ee maalmahaan loo jeedinayay madaxa ismaamul goboleedka Kilifi Amason Kingi iyo dowladdiisa.

Mr Odinga ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay in aysan macluumaad xaqiiqo ah ka heynin arrintaasi, balse ay dhaleeceyneyso oo kaliya maamulka Mr Kingi.

Raila oo hadda ku sugan gobolka xeebta ayaa xukuumadda Jubilee ku eedeeyay musuqmaasuq, isagoo si aad ahna u dhaliilay howsha ay hayaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Hase ahaatee qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ee xisbiga Jubilee oo uu hor kacayo hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Aden Barre Duale ayaa ka jawaabay hadalka shalay kasoo yeeray Raila Odinga, iyagoo sheegay in Mr Odinga uu bil kasta lacago sharci darro ah ka helo laamaha xisbiga ODM ee maamul goboleedyada.

Dhawaan ayey ahayd markii uu madaxa maamul goboleedka Kilifi Amason Kingi beeniyay dhamamaan akhbaaraadka ku saabsan in maamulkiisa uu musuqmaasuq ku lunsaday lacago fara badan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *