Senator Mike Sonko oo la siiyay fursaddii ugu dmabeysay si uu maxkamadda u geeyo hogaamiyaha kooxda MRC

Garsoorka maxkamad uu fadhigeeda yahay magaalada Mombasa ayaa Senatorka maamul goboleedka Nairobi Mike Sonko siiyay fursaddii ugu dambeysay ee waqtiga loogu qabtay in uu maxkamadda hor keeno hogaamiyaha kooxda MRC Omar Hamisi Mwamnuadzi.

Mr Sonko ayaahoray u damiintay hogaamiyahaasi oo wajahayay dacwad ka dhan ah si loo sii daayo, isagoo hadda ay waajib ku tahay in uu geeyo maxkamadda.

Garsooraha maxkamadda Mombasa Douglas Ogoti ayaa sheegay in haddii uu Senatorka ku guul dareysto keenitaanka eedeysanaha uu damiinka ka ahaa ay maxkamadda billaabi doonto dacwad ku saabsan arrintaasi, taasoo ka dhan ah Mr Sonko.

Hadalkaan ayuu xaakinka sheegay shalay oo arbaca ahayd, xili uu ku sugnaa maxkamadda gacanta ku heysa kiiska la xiriira hogaamiyaha MRC.

Madaxa kooxda dacwad soo oogidda ee ka socda dhinaca dowladda ayaan kasoo hor jeedsanin in Mike Sonko la siiyo fursad dheeraad ah oo uu ku keeno eedeysanaha.

Kooxda MRC oo ay mar mamnuucday dowladda ayaa ah dhaqdhaqaaq u ololeeya in ay xornimo hesho Mombasa isla markaana ay ka go’do qeybaha kale ee ay Kenya ka koobantahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *