Dhul gariir xoogan oo ku dhuftay dalal ku yaalla bartamaha qaaradda America

Dhul gariir cabirkiisu yahay 7.0 oo aad u xoogan ayaa ku dhuftay xeebaha dalal ku yaalla bartamaha Qaaradda America, kuwaasoo dhunaca ku haya badweynta Pacific Ocean.

Gobollo dhowr ah oo ku yaalla gudaha waddanka El Salvador ayaa laga dareemay awoodda dhul gariirka oo ka dhacady badda dhexdeeda.

Masuuliyiinta dalkaas ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan Sunaami ka dhalata dhul gariirka, hase ahaatee digniintaas ayaa markii dmabe laga saaray meesha.

Musiibadaan ayaa kusoo aaday xili duufaanta Mathew ay ku dhufatay xeebaha qeybo ka mid ah wadamada Caribbean-ka ee Nicaragua iyo Costa Rica.

Wali lama soo tabinin wax warar ah oo ku saabsan qasaare ka dhashay dhul gariirka dhacay saqdii dhexe ee xalay waqtiga dalalkaas.

Tan iyo isbuucii lasoo dhaafay ayaa dhul gariirro xoogan waxa ay ka dhaceen dalalka New Zealand iyo Japan oo iyagana kulaala badweynata Pacific-ga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *