Guddiga EACC xabsiga u taxaabay saraakiil loo heysto fadeexadda NYS-ta

Ciidamo ka amar qaatta guddiga anshaxa iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ee EACC ayaa maanta xiray saraakiil horay uga tirsanaa masuuliyiinta wasaaradda dowlad wadaajinta iyo qorsheynta qaranka.

Saraakiisha xabsiga loo taxaabay ayaa waxaa ka mid ah xog hayihii hore ee joogtada ahaa ee wasaaradda dowlad wadaagga Peter Mangiti, ku xigeenkii hore ee agaasimaha wasaaraddaasi Adan Harakhe iyo gudoomiyihii hore ee guddiga qandaraasyada ee wasaaradda dowlad wadaagga Hassan Noor.

Shaqsiyaadkaan iyo xubno kale oo lala xiray ayaa loo heystaa ku lug lahaanshaha lacag dhan 1.6 billion oo shilin oo laga lunsaday waaxda adeega dhalinyarada qaranka ee NYS-ta.

Eedeysaneyaashaan ayaa saaka laga kaxeeyay xarunta guddiga EACC ee dhismaha integrity center, waxaana la geeyay maxkamadda Milimani ee magaalada tan Nairobi.

Shalay khamiistii ayey ahayd markii ay maxkamadda sare ku gacan seyrtay isku day ay Mr Harakhe iyo Hassan Noor ku doonayeen in la isku hor taago dacwadeyntooda.

Hay’adaha la dagaallanka Musuqmaasuqa iyo kuwa dambi baarista ayaa in muddo ahba ku howlanaa baaritaannada ku saabsan kiiska dhaqaalaha faraha badan looga xaday laanta NYS-ta ee hoos tagta wasaaradda dowlad wadaagga iyo qorhseynta qaranka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *