Gudiiga EACC oo u yeeray madaxa maamul goboleedka Kilifi

Masuuliyiinta guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee magacooda loo soo gaabiyo EACC ayaa u yeeray madaxa ismaamul goboleedka Kilifi ee gobolka xeebta Amason Kingi.

Guddiga ayaa Mr Kingi ka doonaya in uu sharaxaad ka bixiyo arrimaha ku saabsan macluumaad kale oo muujinaya in uu maamulkiisa si aan kala caddeyn u isticmaalay lacag dhan 342 million oo shilin.

Ilo wareedyo laga helay guddiga EACC ayaa sheegaya in madaxa maamul goboleedka KIlifi la weydiin doono in lacagtaasi ay qeyb ka tahay lacag dhan 1.1 billion oo shilin oo dhawaan la sheegay in hab musuqmaasuq ah looga lunsaday dowlad goboleedka Kilifi.

Hase ahaatee madaxa maamulka ee guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa Halakhe Waqo ayaa shalay ka gaabsaday in uu ka hadlo arrimahaan.

Go’aanka loogu yeeray madaxa ismaamulka Kilifi ayaa yimid xili hogaamiyaha isbahaysiga CORD Raila Odinga uu ka difaacay dhammaan eedeymaha dhinaca musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay Mr Kingi.

Amason Kingi oo xubin fir fircoon ka ah xisbiga mucaaradka ah ee ODM ayaa dhawaanahaan wajahayay eedeymaha musuqmaasuqa ee la xiriira dhaqaalaha faraha badan ee la lunsaday, in kastoo uu isagu gaashaanka ku dhuftay dhalilahaas.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *