Madaxa shirkadda diyaaradaha KQ oo lagu wado in uu is casilo

Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxa maamulka ee shirkadda diyaaradaha qaranka ee Kenya Airways Mbuvi Ngunze uu xilka iska casili doono.

Masuulkaas oo in dhawaaleba wajahayay eedeymo fara badan oo dhanka maamul xumada ah ayaa lagu wadaa in uu xafiiska banneeyo bisha March ee sanadka foodda nagu soo haya ee 2017-ka.

Gudoomiyaha guddiga maamulka shirkadda qaran ee KQ Michael Joseph ayaa mar uu aqbalayay is casilaadda sarkaalkaasi waxa uu sheegay in Mr Ngunze, uu muddo 5 sano ah u soo shaqeeyay shirkadda hadana uu dareemay in la gaaray waqtigii loo baahnaa in uu xilkaas isaga dagi doono.

Gudoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay in uu aad uga qoomameynayo arrintaan balse uu tix galinayo go’aankaasi, balse uu masuulka shirkadda xafiiska sii joogi doono ilaa inta laga ansixinayo qofkii badali lahaa.

Masuuliyiinta golaha maamulka shirkadda Kenya Airways ayaa hadda laga dhowrayaa in ay guda galaan howlaha la xiriira soo xulashada madaxa cusub ee maamulka shirkaddaasi.

Kenya Airways ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa soo wajahay hoos u dhac dhinaca dhaqaalaha ah, iyadoo arrimahaasna eedeyntooda dusha looga tuuray madaxa maamulka ee hadda la sheegay in uu xilka isaga dagi doono.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *