Burcad magaalada Samburu weerar ku qaaday gaari kuwa xamuul qaada ah

Daraawal gaari ee kuwa xamuul qaada ayaa waxa galinki dambe ee shalay lagu dilay deeganka  Lolmorok  ee bartamaha magaalada Samburu halka haweeney rakaab u ahayd iyadana u dhaawac xun ka soo gaaray kadib marki ay koox burcad rasaas ku fureen gaari ay saarnaayen.

Haweeneyda u weerarkaas dhaawaca ka soo gaaray ayaa waxa loola cararay  cisbitaalka Suguta si halkaas xaladeeda caafimaad loogula tacaalo halka ninka geeriyoodeyna meydkiisa lagu keydiyay qeybta meydadka lagu keydiyo ee cisbitaalka Samburu.

Xiliga ay burcada ka koobnayd 3-da qof oo ku hubeysnayd qoriyo  iyo mindiyo ay weerarka u geeysanaayen Labadan qof ayaa ka yimid Lolmorok halkaas oo ay u suuq tageen waxana ay kusii wajahnaayen deeganka Suguta.

Taliyaha ciidamadda booliska ee deegankaas Leonard Chebet ayaa sheegay in ay muqdeen cadeymo tusinaaya in ay dhibanayaasha iyo burcada iska caawin ay dhex martay waxana ninka la dilay la sheegay in u isku dayay in u iska difaaco kooxdaas weerarka ahayd.

Taliyaha ayaa sheegay in ay bilaaben dadaalo ay ugu jiraan islamarkaasina ay ku bacsanaayan burcada weerarkaas ka dambeysay ee labadaas ruux ay waxyeelada ka soo gaartay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *