Fransiska oo sheegay in uu fashiliyay weerar argigixiso

Dowlada dalka Fransiska ayaa sheegeysa in laamaha amaanka gaar ahaan kuwa sirdoonka ay fashiliyeen weeraro ay kutilmaameen kuwa argigixo oo lala damacsanaa dalkaasi.

Madaxweynaha Fransiska Francois Hollande oo arintan xaqiiyay ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka hortageen shabakad isku xirneyd oo dooneysay in ay weerar culus ka geystaan dalkaasi isbuuca soo socota.

Hadalkiisan ayaa imaaday ka dib markii la xiray shan qof oo laga shakiyay kuwaaso lagu eedeeyay in ay katirsan kooxda isku magacawday khilaafada Islaamka islamarkaana weeraro hore ka gestay Magaalada paris ee caasimada France.

Waxaa lagu helay in ay isticmaalayeen barnaamijyo telefoon ah oo laamaha amniga aysan dabagal ku sameyn karin.

Waxaa looga shakiyay in ay doonayeen in ay weeraraan goobo ay ka mid yihiin suuqyada muhiimka xilliga ciida masiixiyadda laga adeegto, xarunta ciidamada ee Faransiiska iyo goobo kale.

Laamaha kala duwan ee xukuumada Paris ayaa heegan sare la galiyay tan iyo bishii Nov ee sanadkii hore xiligaas oo weeraro argigixiso oo ay dad ku dhinteen ka dhacay Caasimada dalkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *