Hadaba waa kuma Fidel Castro

Fidel Alejandro Castro Ruz waxa uu dhashay 13-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1926, waxa uuna ka soo jeedaa qoys beeraley maalqabeen ah oo ka soo haajiray dalka Spain.

Hooyadii Lina Ruz González waxaa addoonsi u haystay aabihii oo ay uga shaqayn jirtay beertiisa kaddibna waxa ay noqotay xaaskiisa kaddib markii ay dhashay Fidel Castro.

Hogaamiyahan ayaa waxbarashadiisa waxaa uu ka bilaabay mid kamid ah schoolada Katooliga ee masiixiga balse markii dambe ayuu dhaxda ooga tagay waxbrashadiisa.

Xili uu dhiganayay Jaamacada Havana bartamihii 1940-meeyadi waxaa uu Castro bilaabay in uu u ololeeyo arimaha siyaasada isagoo markii dambe noqday aftahan.

Castro waxa uu sameystay dhaqdhaqaaq si hoose uga shaqeeya sidii loo inqilaabi lahaa dowladda Batista, waxa uuna bishii Luuliyo ee saandkii 1953 qaaday weerar fashilmay oo uu ku doonayay in uu hub ku furto.

Fidel Casri wuxuu dalkaasi xukumayay muddo 50 sano ah, ka dib markii uu afgabiyay kaligii taliyihii Fulgencio Batista sanadkii 1959kii, wuxuuna dalkaasi ku xukumayay nidaamkii shuuciga ahaa

Mareykanka ayaa arrintaa uga jawaabay xayiraad ganacsi oo ka dhan ah Cuba, xayiraadaa oo soo gaartay ilaa qarnigii 21-aad.

Sanadkii 1961 ayaa Mareykanka waxa uu damcay in uu afgambiyo dowladda Castro basle arrintaasi ayaa guul darro ku dahmaatay.

31-dii bishii Luuliyo sanadkii 2006 ayuu Castro si kumeel gaar ah xukunka ugu wareejiyay walaalkii Raul kaddib markii lagu sameeyay qalliin dhanka xiidmaha ah, waxaana sii xumaaday caafimaadkiisa ilaa uu sanadkii 2008-dii rasmiyan xukunka u wareehjiyo.

Dhammaadkii sanadkii 2014-kii ayaa madaxweyne Obama waxa uu shaaciyay in Cuba laga qaadayo xayiraadaha saarnaa muddada nus qarniga ah.

Fidel Castro aad ayuu u soo dhaweeyay arrintaasi waxa uuna ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xasilinayo gobolka basle waxa uu wali shaki ka muujiyay Mareykanka oo uu sheegay in aan la aamini karin.

Inkastoo dad badan oo reer Cuba ah ay nacayb badan u hayaan Castro, haddana waxaa jira dad kale oo aad u badan oo Castro aad u jecel, waxa ayna u arkaan halyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *