Kalonzo Musyoka oo loo qabtay ilaa Maalinta talaadada ah in uu raalin ka bixiyo hadalo ka dhan ah Gavanaha Machakos oo uu jeediyay

Gavanaha Maamul goboledka Machakos Alfred Mutua ayaa u qabtay Kilonzo Musyoka ilaa maalinta talaadada ah ee isbuuca dambe in uu raalin galin ka bixiyo hadalo kasoo baxay oo ka dhan ah gavanaha.

Hadaladaas oo uu jeediyay Kilonzo ayaa ahaa in Mutua uu kadambeeyay afduub loo gestay gabadha uu dhalay kuxigeenka gavanaha isla countigaasi Machakos Bernard Kiala oo xiligaas la waysanaa.

Goor sii horeysay ayeey eheyd Maamulaha Machakos ku goodiyay islamarkana wacd kumaray in uu dacwadeyn doono hogaamiyaha xisiga Wiper Kilonzo Musyoka.

Waxaa uu hadda mas’uulkan sheegay in hadii uu madaxweyne kuxigenkii hore ee dalka uu raalin galin bixin waayo uu qaadi doono tilaabo cad o ka dhan ah.

Kilonzo ayaa jimcadi aynu soo dhafnay ayaa ku baaqay in ciidamada booliska ay su’alo ka dhan ah gabadha kamaqan kuxigenka gavanaha Countiga Machokos wax laga weydiyo gavanaha Countigaasi.

Waxaa uu Mosyoka shaki galiyay in Gavanaha Mutua uu kadambeyo afudbka gabadaasi maadama kuxigeneka gavanaha Machokos uu ku dhawaaqay in 2007-da uu u isku soo sharixi doono xilka gavanatoore ee Maamulkaasi.

Gabadhaasi ayaa markii dambe la sheegay in laga helay islamrkaana ay la jogtay nin ay saaxibo ahaayen.

Alfred Mutua ayaana eedeyntaasi kutilmaamay mid la xariirta arimo siyaasadeed maadama uu isaga baxay xisbiga uu hogamaiyo Kalonzo musyoka ee Wiper.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *