Kumanaan kun oo qof oo maanta dibadbaxyo horleh ka dhigaya kuuriyada konfureed

Kumaanaan kun oo qof ayaa maanta markii lixaad isugu soo baxay wadooyinka magaaloyinka waaweyn ee dalka kuuriyada konfureed kuwaas oo doonaya in ay xilka iska casisho Madaxweynaha dalkaas haweeneyda lagu magacaabo Park Geun-Hye.

Mudaaradayaashan oo sitay boorar hal ku dhagiyo kala duban ku qoran ayaa ku dhawaaqayay in xafiiska sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku faarujiso Madaxweynaha maadama lagu eedeeyay arimo musuqmaasuq oo ka dhan ah.

Waxaa la arkayay dad badan oo xirnaa dharka waaweyn iyo jakadaha maadamada mgaaaladaasi uu ka da’ayo roobob xoogan.

Qabanqaabayaasha ayaa sheegay In maanta ay filayaan in wadooyinka ay soo dhobmaan in kabadan 1 milyan oo qof si darenkooda ku aadan haweneeyda dalkaasi hogamaamiso ay u aragto, waxaana .

Shacabka dalkaasi ayaa sida la sheegay ka careysan haweeney lagu magacaabo Choi Soon-Sil, oo saaxib dhow la ah Madaxweyna taas saameyn ku yeelatay dajinta qanuunyada dalkaasi iyadoo oo aan wax jago ah ka haynin dowlada.

Mudaaharadayaasha ayaa wacad kumaray in sabti walbo ay dhigi doonaan dibaxdbax ilaa ay xilka iska casileyso Madaxweynaha Park Geun-Hye taaso kalsoonidi ay shacabka ku qabeen hoos u dhacday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *