Madaxweynihii hore ee dalka Cuba oo geeriyoday

Madaxweynihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro ayaa lagu soo waramayaa in uu geeriyoday shalay oo jimco aheyd sida uu TV-ga dalkaasi ka sheegay madaxweynaha hadda xilka haya Raul Castro.

Fidel Castro oo sidoo ka hor inta uu geeriyoonin ahaa hogaamiyihii acaanka Shuuciyiinta dalkaas ayaa wadanka Cuba soo xukumay ku dhawaad nus qarni kahor inta uusan xilka kala wareegin walaalkiisa Raul Castrasa sanadkii 2008.

Taageerayaashiisa ayaa ku ammaanay in uu ahaa nin wax badan u qabtay shacabka Cuba, laakiin mucaaradkiisa ayaa ku eedeeyay in uu si adag ula dhaqmi jiray.

Bishii Abril, Fidel Castro ayaa qudbad naadir ah ka jeediyay maalintii ugu dambeysay gollaha xisbiga shuuciyiinta dalkaas wuxuu garowday da’diisu inay weynaatay.

Ma jirto fahfahain dheeri ah oo la hayo geerida kutimid Madaxweynahaasi oo da’diisu aheyd 90 sano.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *