Xisbiga Green Party ee dalka Mareykanka oo si rasmi ah u codsaday in dib loo tiriyo cododka doorashada mareykanka

Xisbiga Green Party ee dalka Maraykanka ayaa si rasmi ah u codsaday in dib loo tiriyo codadkii doorashada madaxtinimada ee laga dhiibtay gobolka Wisconsin oo Donald Trump guushu ku raacday tiro aan badnayn.

Dhammaan 3-da gobo lee uu muranka ka taaganyahay ayaa ah kuwii guusha xilka madaxweynaha u suurta galiyay Donald Trump, isla markaana looga adkaaday Hillary Clinton.

Saraakiisha gobolkaas ayaa sheegay in ay u diyaar garoobayaan in ay codsigaa fuliyaan, Xisbiga Green Party wuxu sidoo kale rajaynayaa in tallaabadoodani keeni doonto in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay gobollada Pennsylvania iyo Michigan.

Mrs Stein  oo ku jirtay tartanka doorashada xilka madaxtinimada ayaa sheegtay in natiijadii saddexdaas gobol kasoo baxday ay tahay mid aan lagu kalsoonaan Karin.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in musharaxii madaxtinimada ee xisbiga Green Party, Jill Stein, ay doonayso in la xaqiijiyo in aan dadka kombuyuutarrada jabsadaa codadka u xadin Mr Trump.

Natiijada saddexda gobol ka soo baxday ayay noqonaysaa in dib loogu noqdo tirintooda taas oo bedeli karta natiijadii hore u soo baxday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *