Gavanaha countiga Kwale Salim Mvurya oo horay uga tirsanaan jiray xisbiga ODM ee isbeheysiga mucaradka ee Cord ayaa hoggaamiyaasha isbeheysigaasi ugu baaqay in aynan siyaasadeynin dagaal lugula jiro musuqmaasuqa oo saameyn ba’an ku haya dalka.
Dhanka kale, gavanaha Kwale ayaa xusay in waaxyaha la dagaalo musuqmaasuqa la siiyo fursad ay shaqadii loo igmaday uga soo baxaan isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri
Hadalka gavanahan oo dhawaan ku biray xisbiga jubilee ayaa ku soo begmaya maalmo ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowlada maamul goboleedka Kilifi laga lunsaday in ka badann hal bilyan oo shilin oo la sheegay in qandarraas lagu bixiyay.
Dhacdadan ka dib ayu hoggamiyaha isbeheysiga mucaradka ee Cord Raila Odinga difaacay gavanaha countiga Kilifi Amason Kingi.
Hasa ahate , iyada oo dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya in gavanarada ka soo jeedo xisbiga ODM in ay bixiyaan qarshadka ku baxa safarada hoggaamiyaha cord Raila Odinga, ayuu gavanaha arrintan iska fogeeyay.