Hogaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi  oo sheegay in dowlada ay qorsheyneyso in dib loo dhigo doorashada guud  ee sanada 2017-ka

Hoggamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowlada ay qorsheyneyso in dib loo dhigo taarikhda loo qoondeyay in ay qabsoonto doorashada guud ee sanada 2017-ka.

Mudavadi ayaa wacad ku maray in isku day kasta oo arrintan ku saabsan si weyn looga soo horjeedsan doono.

Senetarka maamul goboleedka Meru  Kiraitu Murungi oo ka mid ahaa guddomiyaashii  gudigii laba geesoodka ahaa ee  eegayay isbedelada lagu sameynayo arrimaha doorashooyinka ayaa  carabka ku dhuftay in doorashada sidii horay loo qorsheeyay la qabanayo 8-da bisha August ee sanada 2017-ka.

Musalia Mudavadi ayaa dhankisa sheegay in uu aaminsanyahay in sarakiisha IEBC   ay  ku shaqeynayaan amar ay siiyeen xubno sar sare oo dowlada ka tirsan.

Sido kale wuxuu gaashanka u daruuray  go’aanka ka dhan ah in wax kama jiraan laga soo qaaday liiska  ay ku qoranyihiin magacyada dadka soo codsaday in ay buuxiyaan jagada guddomiyaha gudiga IEBC.

Talaabadan ayuu ku tilmaamay mid muujineysa in dowlada aynan diyar u ahayn in ay dalka ka dhacdo doorasho madax banaan oo cadaalada ku saleysan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *