Kallumeeysatada  uu saameyay mashruuca marinka tareenada ee SGR oo mag dhow la siinayo

Kallumeeysatada  ku dhaqan maamul goboleedka Mombasa oo uu saameyay marinka   tareenaada ee  loo soo gaabiyo SGR  ayaa lagu wadaa in laga bilaabo todobadka soo socdo la siiyo lacag madhow ah madama mashruucan uu dhaliyay in ay degaankooda ka barakacaan.

Agaasimaha guud ee  waaxda   tareenada ee dalka Atanus Maina  ayaa xusay  in ay geedisocodka  magdhowgan dardargelinayaan sidaas awgeedna 215 milyan oo shilin ay dadkan  u qeybin doonaan.

Dhanka kale Mr Maina ayaa sheegay in   ay jiraan caqabado  ay waaxda wajaheyso oo la xiriira talabada lagu xaqiijinayo in lacagtan la gaarsiiyo dhibanayaasha.

Caqabadhaasi ayaa waxaa ka mid ah  dad badan oo anan sidii la rabay isu diiwan gelinin oo  ku andacoonayo in hirgelinta mashruuca  marinka tareenada ee casriyeysan  uu saameeyay.

Fariin ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee waaxda tareenada aya lagu xusay in lacagtan iyada ah la gelin doono akoontiyada bangiyeed ee dadka si gaar ah  loogu talagalay.

Khamiistii ayeey ahayd  markii gavanaha  countiga Mombasa Cali xassan  joho uu ku goodiyay in uu maxkamada aadayo hadii anan dadkan uu fulinta mashruuca SGR  saameyay anan  magdhow la siinin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *