Maxkamada ICC oo dooneysa in la xaliyo talaabada ay wadama qaar isaga baxayaan hannankii lagu soo dhisay

Maxkamada  caalamiga ee dambiyada dagaalada ee loo soo gaabiyo ICC ayaa wado qorsho ay ku dooneyso in lagula tacaalo talaabada ay dhawaan wadamo badan ku goodiyeen in ay isaga baxayaan hannankii lagu soo dhisay ee Rome Statute.

Qorshahan ayaa salka ku hayo kulan maalintii jimcada  ka dhacay  magaalada Hague  oo  loogaga hadlayay   wada shaqeynta  ka dhaxeysa maxkamada iyo wadamada kala duwan ee xubnaha ka ah.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay  30  qof oo ka soo jeedo in ka badan 20 wadan oo ka mid ah  xubnaha maxkamada ICC, qaar ka mid ah howlwadeenada maxkmada iyo sido kale  qaar ka mid ah  sarakiisha gudiyada caalamiga ah.

Dhanka kale, qorshaha  lagu xalinayo talaabada wadamada qaar ay sheegeen in ay qaadayaan ayaa ah mid  lagu tixgelin doono aragtida   khuburada  ariimaha xiriirka caalamiga ah.

Tani iyo markii maxkamada ay oo afjartay dacwadihii ay wajahayeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto, ayaa waxaa la saaray cadaadis xooggan.

Bishii Oktobar ee sanadkan ayey ahayd markii wadamada  Burundi,  koonfur Afrika  iyo Gambia  ay qaramada midoobay ku wargeliyeen go;aankooda ku aadan in ay isaga baxayaan ka mid ahaanshaha maxkamada ICC.

Bishan ovembar gudaheeda Ruushka ayaa ku dhawaaqay digniin la mid ah midi ay wadamo kale horay u jeediyeen.

Afhayeenka maxkmaada ICC Fadi El Abdallah   ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in  kulamada  ay maxkamada yeelaneyso looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo xiriirka   ay maxkamada ICC la leedahay wadamada kala duwan.

Wadamada qaarada Afrika  ee hoos tago midowga AU-da ayaa si weyn ugu ololeynaya in  ay soo afjaraan ka mid ahaanshahooda  hannaankii lagu soo dhisay maxkamada caalamniga ee dambiyada dagaalada ee ICC.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *