Sagaal haween ah oo lagu soo xiray howlgal ka  dhan ah gudniinka fircooniga ee FGM-ka  

Howlgal ka  dhan ah gudiinka fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka oo laga fuliyay tuulada  Tuyoitich ee maamul goboleedka Nakuru ayaa lagu soo  qabtay  9 haween ah oo la aamnisanyahay in ay arrintan ku  lug leeyihiin.

Haweenkan gacanta lagu soo dhigay ayaa waxaa ka mid ah 6 ay da’doodu udhexeyso 22 ilaa iyo 27 oo la guday.

Taliyaha ciidamada booliska ee degaanka Njoro  Philip Opiyo ayaa sheegay in haweenkan la arkay iyaga oo guriga lagu xiray kadib markii la guday jimcadii la soo dhafay.

Dhanka kale waxay wararku intaas ku darayaan in hal eedeysane uu isku dayay in uu baxsado balse ay booliska baacsadeen oo ay gacanta ku soo dhigeen.

Xiliga ay dugsiyada xiranyihiin ayaa inta badan walaac laga muujiya in gabdhoi badan noocan oo kale loo gudo.

Booliska ayaa sido kale sheegaya in ay wadaan baaritaano  lagu soo qabanayo haween badan oo ay aaminsanyihiin in ay gudniinka fircooniga oo dalka mamnuuc ka ah ay fududeyaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *