Xarumo ganacsi  oo ku yaalay agagaarka wadooyinka countiga Isiolo oo la dumiyay

Qaar ka mid ah ganacsatada maamul goboleedka Isiolo ayey khasaaro hantiyeed soo gaartay kadib markii  dhulka lagu daray  xarumo ay ku ganacsanayeen oo ku yaalay agagaarka wadooyinka.

Qiyaastii 250 ganacasato ah   aya waxaa saameyay howlgalkan  ay sameyeen sarakiisha  maamulka qaran ee wadooyinka waweyn ee  loo soo gaabiyo KeNHA .

Maamulaha  magaalada Isiolo Ali Wako  ayaa sheegay in ganacsatada  bil ka hor lagu wargeliyay in xarumahan la duminayo maadama  lagu dhisay  goob uu marayo cabirikii wadada loogu talagalay.

Dukamadan  ayaa ah kuwo  horay lagu dhisay iskaashi laba geesood ah  oo u dhexeeyay  barnaamijka  horumarinta dhalinta iyo  dowlada maamul goboleedka Isiolo.

Hasa ahate, ganacsatada oo uu hoggaaminayo guddomiyahooda James Mwenda ayaa dhanka kale sheegay  in anan lagu wargelinin in dhismooyinkan la dumin doono hal bil ka dib.

Qiyaastii 750  oo dukaan ayaa   sanadihii ugu  dambeyay laga dhisay  gudaha magaalada Isiolo si loo wanaajiyo ganacsiga.

Ganacsatadan ayaa dowlada maamul goboleedka Isiolo ka codsaday in ay  garab siiso maadama aynan heysanin goob kale oo ay ku ganacsadaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *