Madaxa maamul goboleedka Kilifi oo maanta kasoo hor muuqanaya guddiga EACC

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka Musuqmaasuqa ee EACC ayaa maanta lagu wadaa in ay su’aalo weydiiyaan madaxa maamul goboleedka Kilifi Amason Kingi oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Mr Kingi ayaa galinka hore ee maanta kasoo hor muuqan doona guddiga oo ka doonaya in uu sharaxaad ka siiyo sida loo lunsaday lacag kor u dhaafeysa 1 billion oo shilinka Kenya ah.

Masuulkaasi oo gaashaanka ku dhuftay eedeymahaan ayaa laga dhowrayaa in uu is difaaco marka uu maanta tago xarunta Integrity Center ee saldhiga u ah guddiga EACC.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Nyeri ayaa dacwad cabasho ah u gudiyay saraakiisha guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, iyagoo ka dalbaday in ay baaritaanno ku sameeyaan habka loo isticmaalay dhaqaalaha golaha wakiillada ee maamul goboleedkooda.

Xubno ka mid ah dadka dalabkaas gudbiyay ayaa doonaya in la kala caddeeyo wararka soo baxaya ee sheegaya in xildhibaannada baarlamaanka hoose ay lunsadeen lacago fara badan.

Fadeexadaha Musuqmaasuqa oo saameeyay hay’ado kala duwan oo isugu jira kuwa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa muddooyinkaan si aad ah isu soo tarayay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *