Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo maanta billaabaya booqasho uu ku tagayo gobolka bartamaha

Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay maanta billaabaan booqasho 3 maalmood ah oo ay ku tagayaan deegaanno ka tirsan gobolka bartamaha ee dalka.

Kenyatta iyo saraakiil ka tirsan xukuumadiisa oo wehlineysa ayaa ujeedada safarkooda waxa ay tahay sidii ay u xoojin lahaayeen taageerada siyaasadeed ee ay ka heystaan gobolkaasi.

Waxa ay sidoo kale deegaannada kala duwan qaarkood ka soo hir galin doonaan mashaariic dhinaca horumarka ah oo ay ka mid yihiin dhismeyaasha waddooyinka.

Booqashada madaxweynaha ayaa kusoo beegmeysa xili ay shacabka ku dhaqan gobolka bartamaha cabasho ka muujinayeen in madaxweynaha uusan goorahaan booqanin gobolkooda.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa shalay sheegay in dowladda aysan difaaci doonin cid walba oo ku lug yeelata fadeexad Musuqmaasuq ah.

Bartamaha bisha December ee fooda nagusoo heysa ayaa la filayaa in madaxweyneaha iyo ku xigeenkiisaba ay booqasho ku tagaan maamul goboleedyo ka tirsan gobolka galbeedka dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *