Toogasho dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday magaalada New Orleans

1 ruux ayaa lagu dilay halka 9 kalena ay ku dhaawacmeen toogasho xalay fiidkii waqtiga Geeska Africa ka dhacday magaalada New Orleans ee koonfurta dalka Mareykanka.

Booliska waddankaas ayaa xaqiijiyay qasaaraha ka dhashay falkaasi toogashada ah oo ka dhashay is rasaaseyn u dhaxeysay dad hubeysan oo ka dhacday mid ka mid ah waddooyinka magaaladaasi.

Askar ka tirsan booliska oo ay tiradooda gaareyso 30 ruux oo gaaray goobta uu qalalaasaha ka dhacay ayaa ku guuleystay in ay xiisaddaas dajiyaan.

Magaalada New Orleans ayaa dabayaaqadii isbuuca waxa ay matri galisay ciyaaro fastasyo ah oo sanad kasta laga sameeyo halkaasi.

Toogashadaan ayaana ku soo aaday xili ay Kumannaan qof oo dabaal dagyadaas iyo ciyaaraha lagu qabtay magaaladaas ka qeyb galayay ku suganyihiin New Orleans.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *