Dowladda oo beenisay in isbadal lagu sameynayo waqtiga doorashada

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa gaashanaka ku dhuftay haddalo dhawaanahaan soo baxayay oo sheegayay in dowladda ay qorsheyneyso dib u dhigista waqtiga doorashada guud sanadka dambe.

Mr Ruto ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta aysan marnaba ku fakareynin in ay shaki galiso waqtiga doorashada, taas baddalkeedana ay hubin doonto in waqtigii loogu tala galay ay ku qabsoonto.

Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Koonfurta Imenti ee ismaamul goboleedka Meru ayuu William Ruto ku nix nuuxsaday in sheegashooyinka noocaasi ah aysan waxba ka jirin.

Siyaasiyiinta garabka mucaaradka ayaa maalmahaan warbaahinta ka shaacinayay eedeymo ka dhan ah dowladda oo ay sheegeen in ay isku dayeyso badalidda waqtiga lagu asteeyay in ay shacabka Kenya soo xushaan diowladda iyo baarlamaanka badali doona kuwa hadda shaqeeya.

Doorashada guud ee dalka ayaa la filayaa in ay dhacdo 8-da bisha August ee sanadka 2017-ka ee foodda nagusoo haya, sida ay horay u qorsheeyeen gudiiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *