Raila Odinga oo lagu booriyay in uu faraha kala baxo arrimaha siyaasadeed

Raila-Odinga

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD ugu baaqay in uu isaga fariisto arrimaha siyaasadeed ee dalka isla markaana ay dowladda kafaala qaadi doonto xannaanadiisa.

Kenyatta oo ku guda jira booqasho uu ku marayo deegaanno ka tirsan gobolka bartamaha dlaka ayaa ka hadlay eedeymihii ugu dmabeeyay ee uga imaanaya dhinaca mucaaradka.

Madaxweynaha ayaa isagoo shacabka la hadlayay dhaliil xoogan u jeediyay Mr Odinga.

Dhinaca kale Raila Odinga oo ah Raysul wasaarihii hore ee dalka ayaa isagana madaxweyne Kenyatta ku eedeeyay in uu difaacayo shaqsiyaad loo heysto dambiyo musuqmaasuq ah oo ay ka mid yihiin wasiiraddii hore ee dowlad wadaajinta Anne Waiguru iyo saraakiil kale oo xulafo la ah madaxweyne ku xigeenka dlaka William Ruto.

Xildhibaanka Bariga sunna Junet Mohamed, wakiilka haweenka Homa Bay u matashada baarlamaanka Gladys wanga, madaxa maamul goboleedka Mombasa Hassan Ali Joho iyo xildhibaanka degmada Suba Mp John Mbadi ayaa dhammaantood si wada jir ah u sheegay in Raila Odinga uu awood u leeyahay la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Garabyada Jubilee ee dowladda Hogaamiya iyo mucaaradka CORD ayaa waayadii dmabe sare u qaaday dhaleeceymaha ay isku jeedinayaan xili waqtiga doorashada guud ee dalka ay ka harsanyihiin wax ka yar 9 bilood.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *