Booliska oo shacabka ka dalbaday in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan

Taliska ciidamada booliska ee dalka ayaa shalay mar kale soo saaray digniin ku aadan dhinaca amniga, iyagoo shacabka ugu baaqay in ay taxadar badan muujiyaan.

Joseph Bonnet oo ah taliyaha guud ee booliska Kenya ayaa sheegay in uu jiro tuhun ku aadan in al shabab ay qorsheyneyso weeraro ay dalka ka fuliso, sidaas awgeedna loo baahanyahay in la feejignaado.

Boinnet ayaa ka dhawaajiyay in falalka amni darrada ay ka dhici karaan deegaannada xuduudaha ah ee dalka xiliga lagu guda jiro waqti roobaadka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu taliyuhu intaas ku daray in al shabab ay hadda baddashay nidaamkeedii ku wajahnaa khalkhal galinta amniga Kenya, waxaana uu sheegay in ay u kala baxeen kooxo yar yar oo mashquulinaya laamaha amaanka.

Deegaannada xaaladdooda amaan qeylo dhaanta laga soo saaray ayaa ah kuwa ku xaalla soohdinta dheer ee kala qeybisa Kenya iyo Somalia, kuwaasoo ka kala tirsan maamul goboleedyada Mandera, Wajir, Garissa iyo Lamu.

Hase ahaatee waxaa hadda dhammaan goobahaas la geeyay ciidamo dheeraad ah oo loogu tala galay in ay ha hor tagaan dhaqdhaqaaqyada lagu waxyeelleyn karo shacabka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *