Booliska oo weeraray goob lagu iibin jiray gaas sharci darro ah

Ciidamada booliska dalka ayaa 17 ruux kusoo xiray howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ku kala yaalla magaalooyinka Thika iyo Limuru ee maamul goboleedka Kiambu.

Dadkaas ayaa laga soo xir xiray xarumo ganacsi oo sharci darro ah oo lagu iibin jiray qalabka gaaska ku jiro ee wax lagu kariyo.

Goobaha ay booliska weerarrada kadiska ah ku qaadeen ayaa laga helay  448 xabo oo ah fuustooyinka uu ku jiro gaaska hawada ka sameysan.

Waxaa sidoo kale ay gacanta kusoo dhigeen 5 gaari iyo qalab kale oo ay dadka la qabtay u adeegsanayeen ganacsigaasi aysan fasaxa uga heysanin dowladda.

Eedeysaneyaasha xabsiga loo taxaabay ayaa marki baaritaannadooda lasoo gaba gabeeyo waxaa la filayaa in ay wajahaan dacwado maxkamadeed oo lagu soo oogi doono.

Saraakiisha taliska booliska ayaa sheegay in howlgallada noocaan ah ee lagu bartilmaameedsanayo ganacsiyada noocaas ah ay kasii socon doonaan gudaha magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *