Carruur ku dhimatay dab ka kacay School ku yaalla Turkey-ga

Ugu yaraan 12 ruux oo u badan carruur atyaa ku dhimatay dab xoogan oo ka kacay School ku yaalla Gobolka Adana ee koonfurta dalka Turkey-ga.

Masuuliyiinta maamulka gobolkaasi ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dabka uu saameeyay qeybta jiifka ee Schoolkaasi oo ay xiligaas carruur fara badan ku hoyden.

Dabka ayaa la rumeysanyahay in uu ka dhashay cillad xaga korontada ah, in kastoo ay baaritaanno ku socdaan sababihii ka dmabeeyay.

Inta badan dadka dhintay ayaa markii hore ku xanibmay qolalka oo ku xirmay cilladda korontada awgeed.

Warbaahinta dalka Turkey-ga ayaa maanta si weyn u hadal heysa musiibadaas ay carruurta Schooleyda ah ku dhinteen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *