Kenya iyo ciraaq oo heshiis kala saxiixday

Dowladaha Kenya iyo Ciraaq ayaa wada saxiixday heshiis ku aadan is af garad ay labada dal ku wadaagayaan khibradohooda dhinaca tababarka diplomaasiyiinta.

Dhawaan ayaa la filayaa in ay billaabato dhaqan galinta rasmiga ah ee heshiiskaan oo la filayo in tababar loogu furo khubaro labada dhinac ka kala socota.

Heshiiskaan oo maalintii Isniinta ahayd ee isbuucaan lagu saxiixay magaalada tan Nairobi ayaa noqday kii ugu horreeyay ee ay Kenya iyo Ciraaq qalinka ku duugaan muddo 35 sano ah.

Heshiiskii ugu dambeeyay ee ay labada dal isla gaaraan ayaa la saxiixay sanadkii 1980-ki xiligaas oo uu dalka ciraaq xukumayay madaxweynihii hore ee dalkaas Sadam Hussein.

Xiligaas ayey labada dowladood isku af garteen in ay iska kaashadaan sare u qaadista dhaqaalaha, wax barashada, seyniska iyo Technologiyadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *