Alfred Mutua oo  Kalonzo Musyoka la xiriiriyay fadeexad si sharci dara ah lagula wareegay dul ka tirsan countigasi.

Gavanaha maamul goboleedka Machakos  Dr. Alfred Mutua ayaa  madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka sido kalena ah  hoggaamiyaha  xisbiga wiper kalonzo Musyoka la xiriiriray  fadeexada la sheegay in si sharci dara ah lagula wareegay    dul  ku yaala degaanka Mavoko oo ka tirsan  countiga Machakos.

Dr Mutua ayaa  arrintan shaaca  ka qaday xili uu iska difaacayay  eedeymo loo soo jeediyay  maamulka uu hoggamiyo ee Machakos oo ku saabsan lacaga la  is dabamariyay.

Gudiga aqalka senetka  ee PAC ayaa  xiligaas suaala ka weydiinayay gavanaha  isdaba marin lacageed oo lagu xusay  warbixin uu soo saaray hantidhowrka guud ee dalka.

Sido kale gavanaha ayaa  ka dhawajiyay in Kalonzo Musyoka xiligii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka uu  si sharci dara ah awoodiisa ugu adeegsaday  in  shirkad uu isaga iskaleeyahay  laga iibiyo  dul  dadweynaha loogu talagalay.

Aqalka senetka ayuu sido kale Dr.Alfred Mutua  doonayaa in ay baritaan ku sameyaan diyarad la sheegay in Kalonzo Musyoka uu ku soo iibsaday lacaga la tuhmayo  sida lagu helay.

Dr.Alfred Mutua oo ka hadlayay sida  boobka dhanka dulka ah ay sara ugu kacday ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *