Kenya oo nambarka 4-ad ka gashay liiska wadamada  dunida ee la rabo in ay si weyn ula tacalaan  Cudurka AIDS-ka 

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta lagu wadaa in uu shacabka ku hoggamiyo xuska maalinta dunida  ee cudurka AIDS-ka.

Sanad kasta taarikhdu marka ay ku beegantahay 1-da bisha Disembar ayaa caalamka laga xusaa maalinta cudurka AIDS-ka ee dunida halka sanadkan hal ku dhig looga dhigay  hoggaan, islaxisaabtan iyo saameyn.

Munasabada ugu weyn ee xuska maalintan ayaa ka dhici doonto garoonka cayaaraha ee Nyayo ee magaaladatani Nairobi.

Xuska maalintan ee sanada 2016-ka ayaa ku soo begmaya iyada oo warbixin la soo saaray lagu sheegay in Kenya ay  nambarka 4-ad ka gashay liiska wadamada kala duwan ee dunida  ee la rabo in ay si weyn ula tacalaan  cudurka AIDS-ka in laisku gudbiyo.

Ra’yi aruurin la  sameeyay sanadkan 2016-ka ayaa lagu sheegay in kiiska cudurkan ee la isku gudbiyo ay  hoos u dhecen oo ay gareen 77, 000 oo kiis marka loo barbardhigo  sanadii 2014-kii oo ay  ahayeen 100,000 oo kiis.

Dad kenyaan ah oo tiradoodu lagu qiyasay 1.6 milyan oo qof ayaa qabo  cudurkan halka caqabad ugu weyn ay tahay takoorka ka dhan ah dadka uu cudurkan saameyay.

Golaha qaran  dalka u qaabilsan la tacaalida AIDS-ka ayaa sheegayo in ay billabeen olole la doonayo in sanada 2019-ka  lagu yareynayo takoorkan .

Sanadii la soo dhafay ayey ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sheegay in dowlada ay miisaniyad sanadeedka 2015- 2016-ka ay lacag dhan 2.bilyan oo shilin u qoondeysay in lagu soo iibiyo daawada  ARVS ee cudurkan lagula tacaalo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *