Kenyaanka qaba cudurka AIDS-ka oo ay suurta gal tahay in lagu takooro goobaha shaqada

Iyada oo maanta caalamka laga xusayo maalinta  cudurka AIDS-ka ayaa waxaa jirto warbixin ay soo saaren gudi ka howl galo dalkani Kenya oo lagu sheegay in dadka kenyaanka ah ee cudurkan qabo  ay suurta gal tahay in lagu takooro goobaha shaqo ee kala duwan.

Gudigan qaabilsan arrimaha firuusiga HIV-da iyo cudurka ka dhasha ee AIDS-ka  ayaa  takoorkan ku micneyay in  uu keni karo  dalacsiin  shaqaalaha qaar loo diido, ama jagooyin hoose loo dhibo ama xaaladooda caafimad awgeed goob kale loo wareejiyo.

Kudhawaad 1.6 milyan oo kenyaan ah ayaa hada isticmaalaya daawada  cudurkan loo adeegsado ee loo yaqaano ARVS halka kudhawaad 500,000  oo qof ay qabaan  caabuqa HIV-da balse aynan xaaladooda si joogta ah ula soconin.

Takoorkan ayuu gudiga shaaca ka qaaday  kadib markii in mudo ah   baritaan laghu waday kiisas kala duwan  oo arrintan ku saabsan.

Dhanka kale waxaa warbixinta lagu sheegay in  dadka qaar  cudurkan laga baaray iyada oo anan ogolaanshahooda la helin halka kuwa qaarna natiijadii ka soo baxday baritaanka  qof sedexaad lala wadaagay oona kalsooni daro keentay.

Ilaa iyo hada  cabasho  la xiriirta kiisas dhan 800  ayaa gudiga loo soo gudbiyay balse waxaa la xaliyay 600 oo kiis keli.

Madaxa fulinta ee gudigan Anyumba Nyamwaya ayaa xusay in takoorka ka dhan ah dadka  cudurkan  qabo  uu guda dalka aad ugu sareeyo halka ay si gaar ah u saameyso  shaqaalaha haya jogooyinka hoose .

Guud ahaan dunida 78 milyan oo qof aya qabto cudurka AIDS-ka  halka  tan iyo markii ugu horeysay ee kiis cudurkan la xiriira la soo tabiyay uu galaaftay noolosha   35 milyan oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *