Maamulka qaran ee maareya dhismooyinka oo sheegay in  aynan lahayn awood ay ku soo xiraan  mulkiilayaasha guriyaha  dumo.

Maamulka qaran ee dalkani Kenya u qaabilsan maareynta dhismooyinka  ee loo soo gaabiyo NCA  ayaa shaaca ka qaaday in uusan lahayn awood buuxda oo uu gacanta ugu soo dhigi karo  mulkiilayaasha guriyaha dumo iyo sido kale  qandaraasleyda ka biya diida in ay joojiyaan  guri dhiska kadib markii   la siiyo amar  howshan ku aadan.

Madaxa fulinta ee maamulka NCA Daniel Manduku   ayaa shalay  gudiga baarlamaanka  ee arrimaha gaadiidka  u sheegay in maamulka uu hoggamiyo uusan  hor istaagi Karin guriyaha la sii dhisayo ee anan lahayn tayadii loogu talagalay.

Manduku  ayaa carabka ku dhuftay in booliska  ay ku eedeynayaan ibn aynan dhaqan gelinin amarka  ka soo baxa maamulka oo ku aadan guriyaha la duminayo.

Dhanka kale  mr  Manduku ayaa sheegay in loo baahanyahay  in isbedel lagu sameeyo   sharciga dastuurka ku qoran oo ku saabsan  wajibadka maamulka si dib loogu micneyo  ganaax la saarayo dadka dambiyadan geysta.

Shaqada maamulka ayuu madaxa fulinta sheegay in hada ay ku koobantahay in ay booliska warqad u qoraan oo ay ku wargelinayaan guriyaha la  astaameyay oo la rabo in dulka lagu daro si ay booliska talaaba u qadaan.

Xiliga uu ka dhawajinayay awood darada  heysata maamulka ayuu  madaxa fulinta ee NCA  ka jawabayay suaalo laga weydiiyay  guri ka kooban 10 dabaq  oo horaantii  bishii Novembar ee  la soo dhafay ku dumay   countiga Kisii  oo 10 qof ay ku dhinteen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *