Qaramada midoobay  oo ku baaqday in loo gargaaro dadka ku barakacay  dagaalada   dalka suuriya.

Ergeyga  gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha baniaadanimada Stephen O’Brien ayaa golaha amaanka ee qaramada midoobay u sheegay in dad badan oo ku barakacay dagaalada suuriya ay qarka u saaranyihiin xaalad baniaadanimo oo daran sidaas awgeedna loo baahanyahay in loo gargaaro.

Dagaaladan ayaa si gaar ah uy saameyay shacabka ku dhaqan magaalada Aleppo  ee wadankaasi.

Hadalka ergeyga ayaa kus oo begmaya iyada oo  shalay  ugu yaraan 45 qof  oo rayid ah  oo ay 7 ka mid ah caruur yihiin la dilay  iyaga oo ka cararaya  howlgalo ay ciidamada amaanka ka wadaan bariga Aleppo oo ay  falaagada gacanta ka taliyaan.

Hay’ada laanqeerta cas ayaa sheegtay in dad ka badan 20,000 oo qof ay bariga magaalada Aleppo isaga carareen seddexdii maalmood ee ugu  dambeyay halka ciidamada suuriya ay gudaha usii galayaan degaanadaasi.

Ergeyga ayaa  xusay in  ay  labada dhinacba ugu baaqayaan in anan lagu xadgudbin xuquuqda shacabka halka  hadii xaalada anan wax laga qabanin ay goobta isu bedel karto  qubuur sida uu hadalka u dhigay.

Bariga  magaalada Aleppo oo ay ku noolyihiin  250,000  oo qof  ayaa waxaa tan iyo sanadii 2012-ka  gacanta ku hayay falaagada suuriya.

Ciidamada  dalka suuriya   oo garab ka helaya Ruushka ayaa afartii  bilood ee ugu dambeyay wado howlgal lagu doonayo in lagula wareego gacan ku haynta magaalada Aleppo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *